WARQAD CILMIBAARIS – Nov. 2024
Geeska Afrika waxa uu muddo dheer soo ahaa mid ka mid ah meelaha ugu rabshadaha badan dunida, waxaana harqiyey colaado iyo carqalado joogto noqday. Lixdankii sano ee la soo dhaafay waxaa soo maray noocyo kala duwan oo rabshado ah, colaado sokeeye, isku dhacyo u dhexeeyaan dalal, iyo ugu dambeyn dowlado burburay oo afka ciidda darsaday sida Soomaaliya oo kale. Arrimahaasi waxaa ka dhashay cawaaqibxumo isugu jirta dhimasho, barokac, burbur hantiyadeed iwm. Haddaba, cilmibaaristan waxa ay daaran tahay in ay lafogurto siyaasadda dibadda Ethiopia ee gardarrada ku dhisan iyo damaceeda gaarka ah ee la xiriira raadinta bad, si gaar ahaaneed waxay deraasaddu baareysaa sida damacaasi gurracan u huriyey xasilooni la’aanta Geeska Afrika wixii ka dambeeyey sanadkii 2018. Sidoo kale, waxa ay indhaindheyneysaa shakhsiyadda Ra’aasulwasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, ku celcelintiisa bad raadinta iyo sida ay u dhalisay muran dhuleed, una saameysay amniga iyo xasiloonida Geeska Afrika.
Iyada oo laga faa’ideysanaya habka cilmibaariseed ee lafogurista ku qotonta (content analysis) ayaa waxaa la fatashay khudbadaha Abiy, warqadaha/dukumintiyada ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya intii u dhexeysay 2018-2014, iyo qoraallada warbaahinta ee ka hadlaya damaceeda bad raadinta. Ugu dambeyn, cilmibaaristan waxaa lagu soo ogaaday in kor ay u kacday xasiloonidarrada ka taagan Geeska Afrika markay Ethiopia bilowday damaceeda bad raadinta, waxaana ka dhashay muran hor leh iyo shaki soo kala dhex galay dalalka deriska la ah. Sidoo kale, in damacan uu yahay mid fac weyn, dibna ugu laabanaya taariikhda Itoobiya gaar ahaan boqorkii Menelik iyo Haile Selassie.
Hoos kala soo dega:
“Damaca Ethiopia ee ku aaddan bad raadinta iyo sida ay u hurisay xasilooni la’aanta Geeska Afrika”